Download lagu Subxannalaah Yaala aaminikaraa Shabaabkii macallinka ka ahaa Jaamcad & School Mp3

Subxannalaah Yaala aaminikaraa Shabaabkii macallinka ka ahaa Jaamcad & School

Uploader: Mohamed Abdulkadir elmi

Duration: 5 Menit 5.00 detik

Fast Download



Klik kanan dan open LINK new Tab setelah proses convert selesai
Apabila tampil halaman iklan, tutup halaman tersebut Lalu klik kembali Tombol DOWNLOAD MP3/MP4

Deskripsi:

Title: Subxannalaah Yaala aaminikaraa Shabaabkii macallinka ka ahaa Jaamcad & School
Contributing Artist: Mohamed Abdulkadir elmi
Album: Subxannalaah Yaala aaminikaraa Shabaabkii macallinka ka ahaa Jaamcad & School - Single
Date: 02 January 2020
Duration: 5 Menit 5.00 detik
Type of file: Audio MP3 (.mp3)
Audio Summary: mp3, 44100 Hz, stereo, s16p, 128 kb/s

Please Subscribe Ogaal Media Show short Videos News And Music Interments
Subscribe ,Like And Share.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa nin shalay ay maxkamadda milatariga ee Soomaaliya ku xukuntay dil toogasho ah, isagoo lagu helay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab isla markaana uu gaystay falal argagixiso iyo dil ah.
Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaano Ilkacase ayaa ka mid ahaa toddoba nin oo maxkamadda milatariga ay ku xukuntay dil, waxaase mas’uuliyiinta amniga iyo maxkamaddaba uu u sheegay inuu ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa hawlgallada magaalada Muqdisho.
Ninkan ayaa haddaba la sheegay inuu macalin ka ahaa kulliyado ku yaalla magaalada iyo weliba dugsiyo sare, isagoo dhigi jira luuqadda Ingiriiska.
Mid ka mid ah kulliyadaha uu wax ka dhigi jraay ayaa VOA u sheegtay inuu ka tagay bishii Maarso ee sannadkii hadda dhammaaday ee 2019-ka, isla markaana aysan ka war haynin inuu xiriiir la lahaa ururka Al-Shabaab.
Maxamed Xaaji Axmed ayaa waxaa dhalay sarkaal ka tirsan booliiska, balse dacwad-oogista ayaa sheegtay in sababta uusan u dilin aabihii ay ahayd inuu gabbaad ka dhigto si loo dammiinto.
Maxamed waxaa lagu helay inuu ka dambeeyey dilka saddex Jeneraal oo ka tirsan booliiska iyo milatiriga iyo sarkaal kale oo ka tirsan booliiska. Saraakiisha lagu helay dilkooda ayaa kala ah:
Jeneraal Ismaaciil Axmed Cusmaan iyo Jeneraal Maxamuud Xaaji Calow oo ka tirsanaa booliiska; waxaa kaloo lagu helay inuu dilay Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Sheekh Quruurux oo ka tirsanaa milatariga.
Sidoo kale waxay maxkamaddu ku heshay inuu dilay laba-alifle ka tirsanaa ciidamada booliiska oo lagu magacaabay Maxamed Cumar Sheekh Cusmaan.
Sidoo kale waxaa lagu helay dilka ku xigeenkii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Maxamed Cabdiraxman Maxamuud. Maxamed ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii ka dhacay agagaarka tiyaatarka 22-kii December sannadkii 2018-ka oo ay ku dhinteen toban qof oo uu ku jiro weriye Cawil Daahir Salaad.
Maxamed Xaaji Axmed waxa uu u sheegay maxkamadda inuusan ahayn nin aan dambi lahayn, isgaoo yidhi nin kasta oo ka tirsan ururka Al-Shabaab qof ayuu dilay. Maxkamada ayaa shalay ku xukuntay dil toogasho ah isaga iyo lix nin oo kale. Waa kan guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Gaashanale Sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo xukunka ridaya.
C
Haddaba sidee ayaa ugu dambayn lagu qabtay ninkaasi. Warar aya idaacadda VOA ka heshay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ninkan magaciiisa ay ugu horrayn maqleen laamaha amnigu sannadkii 2014-ka kadib markii rag wata bastoolado oo lagu qabtay degmada Xamar Weyne ay sheegeen inuu bastooladaha usoo dhiibay nin lagu magacaabo Xudeyfi. Sannadkii ku xigay xubno kale oo loo qabtay falal la xiriira Al-Shabaabnino ayaa sidoo kale xusay isla magaca Xudeyfi.
Bishii Janaayo ee sannadki 2016-ka waxaa qabtay laamaha amniga oo la xiririinayey Al-Shabaab, hase yeeshee waxa la sii daayey bishii April 2016-ka kadib markii uu sheegay inuu yahay macallin jaamacadeed, taasi oo xilligaas la caddeeyey. Xilligaas ciidamada amnigu ma aysan fahamsanayn in Maxamed Xaaji Axmed uu yahay Xudeyfi.
Waxa uu billaabay inuu adeegsado magacyo kale. Maxamed oo ka hadlaya magacyada kala duwan ee uu istcimaalayey waxa uu maxkamadda u sheegay.
Download Lagu Gratis Subxannalaah Yaala aaminikaraa Shabaabkii macallinka ka ahaa Jaamcad & School di Gudang Lagu - Lagu456, Download Lagu Subxannalaah Yaala aaminikaraa Shabaabkii macallinka ka ahaa Jaamcad & School Mp3 - Lagu Terbaru. Download Lagu Subxannalaah Yaala aaminikaraa Shabaabkii macallinka ka ahaa Jaamcad & School ,Download Video Subxannalaah Yaala aaminikaraa Shabaabkii macallinka ka ahaa Jaamcad & School 3gp Mp4
Click to Install Lagu456.vip